10 cashar oo laga baranayo buuga Aabe taajira, Aabe faqiira(Rich dad, Poor dad)

 



1.Maaree lacagtaada:

Dadku badanaa waxay awoodaan inay lacag sameeyaan, laakiin 85% dadku ma bartaan sida ugu haboon ee loo maamulo.

Caqliga maaliyadeed waxaa uu ka bilaabmaa barashada farqiga u dhaxeeya hantida iyo daynta.

 

2. Naftaada bixi marka hore:

Dadka intooda badani waxay qaataan mushahar waxayna ku bixiyaan biilasha, balse taajirku marwalba isagaa iska bixiya taasina waxay dhalinaysaa in si xor ah u noolaado qofku.

 

Si aad heerkaas u gaadhid ku maalgali naftaada:

  •       Barashada course ( cashar) cusub
  •      Akhris joogto ah
  •      Inaad kor u qaadid xidhiidhka bulshada aad la leedahay.

 

3. Muxuu yahay xidhiidhka ka dhexeeya kaydinta iyo maalgashiga:

Dhigashadu waxay ina tusinaysaa inay tahay shay waajiba iyo caado wanaagsan.

Maalgashigu waa dhiiranaan aad ku dhiiranaysid caqabadkastoo kaa hor iman karta waxana laga dhaxlaa xoriyad buuxda.

Kaydintu waxay daciifisaa awooda wax iibsiga halka maalgashigu uu kor u qaadayo qiimaha lacagtaada.


4. Baro cashuurta qiimaheeda:

Hadaaii aad maalqabeen tahay oo aanad aqoon dhaqaale lahayn waxaad bixin doontaa cashuur badan.

Maalqabeenadu maalgashigooda inta badan waxay ku sameeyaan waxbarashada, sidaa darteed waxaa ku baxda cashuur aad u yar.

Waxaad u baahantahay inaad haysato IQ dhaqaale meelo kale duwan sida xisaabaadka, maalgashiga, isbadalka suuqa iyo sharciga.


5. Ha ku tiirsanaan hal il oo dhaqaale:

Dadka intooda badan waxay ku tiirsan yihiin hal il oo dhaqaale taasina saamayn wayn bay ku yeelanaysaa noloshiisa.

Waa inaad ugu yaraan aad yeelataa 2 ilaa 3 il oo aad dhaqaale kale kaasoo galo sida ganacsi adiga kuu gaara iyo inaad internet ka aad ka shaqaysatid.

Waxaad heli doonta natiija fiican xataa hadii aad la kulantid dhibaato.


6. Waxaad noqonaysaa mid caqli badan markastoo aad waajahdid dhibaato.

Tani waxay ina tusaysaa hadii aynaan u badheedhin khataraha inagu waajahan, in koritaankeena cilmiyeed ama dhaqaaleed aanu kordhin.

Waa inaad u badheedha khataraha sababtoo ah fursadaha nolosha qaarkood ayaa awood u leh inay badalaan hab nololeedkaaga.

7. Qof kastaa wuxuu u baahan yahay inuu noqdo mid dhaqaale leh:

Caqligu wuxuu xaliyaa mushkiladaha sidoo kalana wuxuu soo saara lacag.

Waxa xaqiiqo laga murugoogo ah in nidaamka waxbarashada dunida ka jirta lagu dhigo in lacag lagu shaqeeyo.

Nidaamku marna ma barayo sida lacagta loo sameeyo, loo maamulo, loona ilaaliyo.

Waana kugu waajib in aad barataa sida dhaqaale loo abuuro iyo sida qorshe loo samaysto si aad xornimo dhaqaale u gaadho.


8. Maskaxdu waa wax kasta:

Aabaha saboolka ah ayaa had iyo jeer adeegsada " ma awoodno tan "halka aabaha taajirku uu baro inuu ku badalo "sideed u awoodi kartaa? ”. ”.

Sidan oo kale, dabeecaddahaaga xun u badal mid wanaagsan waxaad hubaal heli doontaa siyaabo aad ku gaari karto bartilmaameedkaaga.

Dabeecadaada iyo maskaxdaada ayaa ugu muhiimsan ahdaafta noloshaada.

Shayga ugu horeeya waa inaad aamintaa naftaada.


9. Ku hareeree naftaada dadka kaa caqli badan:

Waxaa jirta oraah caan ah oo ah 'Haddii aad tahay qofka ugu caqliga badan qolka, waxaad ku jirtaa qol qaldan’.

Hadii aad rabto inaad caqli yeelato, ku hareeree dadka kaa caqli badan.

 

10. Xakamee dareenkaaga:

Xaalku wuxuu kugu xumaadaa marka aanad awoodin inaad xakamayso dareenkaaga.

Waa inaad barataa inaad xakamayso dheelitirka dareenkaaga oo aad diiradda saarto inaad xaqiijiso himilooyinkaaga dhaqaale.


Akhris wacan.

Post a Comment

Previous Post Next Post