10 Talaabo oo muhiim u ah nolosha bini-aadamka:



1: Kor u qaad xidhiidhka bulshada kugu hareeraysan



  • Waxaa tahay celciliska shanta qof ee aad wakhtigaaga aad la qaadanayso, markaa si taxadar leh u dooro.
  • Jooji la kulanka dadka caqabada ku ah koritaankaaga, oo la soco kuwa raba inaad guulaysato.

2: U qaad masuuliyad buuxda naftaada



  • Jooji inaad qof walba ku eedayso waxyaalaha noloshaada ku dhaca.
  • Ka dhig naftaada maamulaha guud  iyo qofka kaliya ee jiheeya noloshiisa.

3: Yeelo ahdaaf kuu gaara



  • Xooga saar yoolkaaga, u fiirso waxaad qabanaysid, waxaad noqon doontaa mid aad u faraxsan markaad noloshaada ku xirto ahdaafta aad u dajisay.
  • Noqo mid aan la joojin Karin, xasuuso marwalba sababta aad u bilowday, oo marna ha ilaawin ujeedadii aad lahayd.
  • Marka aad hadaf yeelato oo aad noloshaada macno u samaysid, waxa aad bilaabaysaa in aad ka shaqayso oo aad ku noolaato waxa aad ku jirto.

4: Ka fogow hab nololeedka aan macnaha lahayn



  • Jooji inaad noloshaada ku matashid mid aanay ahayn ama aanay ku sugnayn.
  • Dadka aad rabto in aad soo jiidato ma danaynayaan waxkasta oo ku saabsan noloshaada ama mustaqbalkaaga.

5: Iibso khibrad



  • Jooji lacagta aad sida fudud u luminaysid. Waligaa ma heli doontid waayo aragnimo kugu filan oo aad dadka kula tartantid.

6: Waqti badan la qaado dadka ku danaynaya



  • U muuji mahadnaq iyo kalgacal.
  • U muuji jacaylka aad u qabtid.
  • Lacagta iyo shaqooyinka waa la soo ceshan karaa, laakiin wakhtiga lumay dib uma soo laabto.

7: Horumari naftaada maalinkast



  • Inaad sidii shalay oo kale bilaa ahdaaf u ahaataa waa dib u gurasho.
  • Ujeedadu waa in aad maalin walba ka sii fiicnaato malintii hor . Hagaajinta khaladaadka bolqolkiiba hal milinkasta waxay dhalin doontaa isbadal la taaban karo.

(1.00)³⁶⁵ = 1

(1.01)³⁶⁵ = 37.7

  • Guusha mustaqbalka fogi waa natiijada dadaal joogto ah.

8: Inaad noqotid hantiile



  • Aad bay u adag tahay inaad hantiile noqotid adigoo shaqaale ah.
  • Hanti waxaad abuuri kartaa markaad dakhligaaga u isticmaashid si aad u iibsato haniti.

9: Is aamin



  •  Markaad bilawdo inaad naftaada rumaysato, ixtiraamto sidoo kale kalsooni aad u muujiso waxaad awood u yeelanaysaa inaad ka dhabaysid riyooyinkaga xitaa riyooyinka aan qorshaysnayn ee aan la qiyaasi karin ayaa suurtogal noqda.

10: Ka war hay caafimaadkaaga



  • Caafimaadkaagu waa hantidaada ugu qiimaha badan. Cun cunto caafimaad leh oo si joogto ah u samee jimicsi.
  • Go'aamada aad maanta qaadato waxay yeelan doonaan saameyn weyn toban ilaa labaatan sano ka dib.
  • Mudnaanta sii caafimaadka maskaxdaada.

 

Mahadsid Akhriste

Post a Comment

Previous Post Next Post