2: “Sheekada noloshaada waad qori
kartaa, hadii aanad ku faraxsanayn sheekada hadda jirta, waad xidhi kartaa, mid
cusubna waad bilaabi kartaa.”
3: “Guushu waa awoodda aad ugu
noolaato noloshaada sida aad rabto inaad ugu noolaato.”
4: “Subax kasta hore u kac oo akhri
30 ilaa 60 daqiiqo buugta aad xiisaynaysid. Ka qaybgal siminaar kasta iyo koors
kasta ee aad awoodid haday suurogal tahay. Caado ka dhigo inaad raadsato oo aad
ka qayb gasho ugu yaraan afar barnaamij oo siminaar ah sanadkii.”
5: “Dadka aad badi raacdid ama
aad wakhtiga la qaadatid waxay go’aamin doonaan inta ay la eegtahay boqolkiiba
95 guushaadu ama guuldaradaadu.”
6: “Celcelis ahaan qofka milyaneerka
ah wuxuu bishii ku bixiyaa 20 ilaa 30 saacadood fikir, waxbarasho iyo qorshayn
dhaqaale.”
7: “Waqtigaagu waa noloshaada, ku
dooro shaqadaada daryeel, waqtigaaga ayaa ka muhiimsan lacagta aad helayso. Lacagta
waa la badali karaa, laakiin waqtiga la qarash gareeyay waligiis wuu maqan yahay.”
8: “waxkasta oo aad beerato, waad
goosan doonta, wax kasta oo aad samayso ama aad dadka kale u samayso, ugu danbayn
adiga ayay kugu soo noqonayaan.”
9: “Hal daraasad oo la sameeyay sanado
ka hor, cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen rag iyo dumar badan oo ku guulaystay
waxyaabo waa wayn markii ay yaraayeen, waxaana sabab u ahaa inay aad u
jeclaayeen akhriska taariikh nololeedka dadka guulaystay.
10: “Sirta guud ee nolosha guushu
waa in la ogaado masiirka qofku uu doonayo inuu ogaado, kadibna la sameey.”
AKHRIS WACAN
.jpeg)