1: Akhri Maalinwalba, Markasta oo
akhriskaagu bato waa markasta oo aad u
dhawaatid guulahaga.
Akhrisku waxa uu ka cawinayaa:
·
Inaad ku dhiiratid inaad hal abuur la timaadid
oo aad noqotid qof wax carin kara.
·
Inaad heshid aqoon dheeraada.
·
Akhrisku waxa uu maskaxda ka saara walaaca iyo
murugada.
“ Awooda ay guushu leedahay waxa
lagu go’aamiyaa inta aad wax akhridid”
2: Si joogto ah u samee jimicsi,
caafimaadkaga 20 sano ka dib waxa lagu go’aamin doonaa sida aad u daryeesho
jidhkaaga hada.
Samee ugu yaraan ficiladan si aad
u ilaalisid caafimaadka jidhkaaga:
·
Lugta
·
Orodka
·
Dabaasha.
·
Ciyaarta e.g Kubada cagta,koleyga and w.l
“ macno ku dhex yeelan maysid bulshadaada
hadii aanu cafimaadkagu buuxin ka taxadar wixii cafimaadkaga iyo jidhkaga dhaawac
ku keenaya”
3: Cun cunto caafimaad leh, inaad
cuntid cunto isku dheeli tirani waxay faaido u leedahay niyadaada, heerka tamartaada iyo caafimaadkaga
guud.
Ku dadaal inaad cuntid cunto cafimadkaga
aan wax u dhimayn oo ay ka mid yihiin:
·
Khudaarta.
·
Timirta.
·
Midhaha.
·
Prottinada.
·
Caanaha dufanku ku yar-yahay iyo W.L.
“Inaad cuntid cunto dheeli tiran
waxay kor u qaadaysaa hormarkaga iyo wax soo saarkaaga”
4: Xooji xirfadahaaga, inaad
khabiir ku tahay xirfadaadu waxay dardar galin doontaa shaqadaada.
Awoodahan soo socda ayaa ka
caawindoona inaad horumariso xirfadahaaga:
·
Xalinta dhibatooyinka.
·
Go’an qaadashada.
·
Cilaaqadaka bulshada dhexdooda.
“Si aad u ga dhex muuqato bulshada
kugu hareeraysan, kor u qaad xirfadahaga”
5: Baro xirfad cusub, waxaad halis
ugu jirtaa inaad noqoto mid indho la’ marka loo eega jawiga manta isbadalaya hadii
aanad la qabsan ama aanad baran xirfad cusub.
Xirfadahani waxay ku horseedi
doonaan isbadal aad ku farxi doontid mustaqbalkaaga gabi ahaan ba waxa ka mida xirfadahaas:
Akhirska joogtada ah.
Inaad qaadatid casharo Online ah.
Isku xidhka dadka/bulshada.
Tababarada ay bixiyaan shirkaduhu.
6: Safarka, u safrida aduunku waa
mid ka mid ah maalgashiga ugu wayn ee aad naftaada u samayn karto.
Safarku wuxuu kuu sahlayaa:
·
Inay aqaoontaadu korodho.
·
Inaad luuqad cusub baratid.
·
Inaad baratid dhaqamo kala duwan.
·
Inaad noqotid qof dhinac walba ka dhisan.
“ Safarku waxa uu saamayn ku
yeesha maskaxda bini’aadamka waxaanuu badalaa hab fikirka iyo arigtada uu ka
haysto aduunka guuda ahanba”
7: Dajiso yool kuu gaara, inaad
bilaa qorshe ahaataa waxay ku kuu horsedaysaa inaad horumar ka gaadhi waydo
aduunka.
Hadafku waa inuu noqdaa:
Mid gaar ah.
Mid la qiyaasi karo.
Mid la heli karo.
Mid ku haboon wakhtiga aad
qabanaysid.
Mid waqti ku xidhan.
“ Inaan dajisanaa ahdaaf inoo
gaara waxay inaga cawinaysaa inaynu hormar ku samayno nafaheena”






