1: Dadka xasadka ahi badanaa waxay weeraraan gudaha bini’aadamka,
ka taxadar asxaabta, qoyska, iyo dadka kuugu dhow markaad doonaysid inaad noloshaada
isbedel u keentid.
2: U fakar sida nin oo kale, una dhaqan sida gabadh oo kale.
Adeegso hadal hays aan toos ahayn, taaso dadka ka dhigaysa inay adiga kaa fakaraan
kuna jeclaadaan.
3: Culayska iyo Cadaadiska joogtada ee noloshu waxay jabin
doonaan cadawgaaga, waa inaad si xirfadaysan uga taxadartaa.
4: U dooro xulafadaada si taxadar leh, una muuji daacadnimo
iyo naxariis.
5: Waa in aad xirfad u yeelatid bilowga cusub ee aad ka
bilaabaysid eber ( iyada oo aan loo eegin inta jeer ee aad kuftay), adoo
ilaalinaya shakhsiyadaada dhabta ah.
6: Ku noqo caruurnimadaadii, ha u ogalaan in mas’uuliyadaha
la socoda qaan-gaarinimada ay kaa dhigaan mid ka fogaada farxadda, u fiirso qaybkamida
sifooyinkii kaa dhigay qof la jecelyahay intii aad ku jirtay caruurnimadaadi, noloshu
waxay noqon kartaa mid caajis badan oo aan ku faraxsanayn da’da iyo masuuliyadaha,
adigu ma aha inay sidaas kuula muuqato.
